Cali Maxamed Geeddi oo sheegay in qaraxyada ka dhaca Muqdisho ay yihiin dagaal siyaasi ah

0
2205

Cali Maxamed Geeddi R/wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd ee soomaaliya mar uu la hadlay TV-ga Universal ayaa ku tilmaamay qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ee la dhigga hareeraha waddooyinka ay ka dambeeyaan siyaasiyiin soomaaliyeed ee ka soo hor jeeda dowladda soomaaliya, kuwaasi oo doonaya inay qal qal geliyaan ammaanka magaalada Muqdisho, balse dadka ay ku micneeyaan qaraxyada hareeraha wadooyinka ka dhaca inay ka dambeeyaan Al-shabaab.

Qaraxyada Al-shabaab ay geystaan ayuu ku tilmaamay inay yihiin kuwa ismiidaaminta ah, balse aanan ahayn mid waddooyinka hareeraheeda la dhigo.

R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa shacabka soomaaliyeed ka dalbaday inay ka feejignaadaan wax waliba ee keeni kara falal amni daro ee waxyeeli kara naftooda iyo nafta dadkooda, isagoona sheegay in qaraxyada ka dhaca Muqdisho ay yihiin dagaal siyaasi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here