Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah mas’uuliyiinta Hey’adda Culimada Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa ka digay in Muqdisho lagu qabto banaanbax sida lagu shaaciyay baraha Bulshada ku kulmaan ee Internate-ka.
Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in dadweynaha ay cabashadooda soo bandhigi karaan si nabad ah iyagoo soo marsiinaya Baarlamaanka iyo coqaasha balse aysan muhiim aheyn in la dhigo dibadbaxyo rabshada wata.
Qatar kasta ayuu sheegay in dibadbaxaasi ay ka dhalan karto taas oo isugu jirta dhimasho, dhaawac iyo bur bur hantiyadeed waxa uuna cod dheer ku dalbaday in la joojiyo qorshahaasi.
Muddo ku dhow todobaad ayaa baraha bulshada ee Internet-ka aad looga abaabulayay banaanbaxyo looga cabanayo, ami xumo, wadooyinka oo xiran iyo dilalka Ciidamada Booliiska.