Muxuu Dastuurka ka qabaa kulamada iyo banaan baxyada [Akhri qodobka 20aad ]

0
2628

Dood badan ayaa ka taagan banaan baxa la hadal haayo inuu Muqdisho ka dhacayo, iyadoo saacadihii la soo dhaafay warbaahinta dowladda ka hadlayeen siyaasiyiin iyo Culumaa’udiin, kuwaasoo mamnuucaya in banaan bax la qabto.

Dadka ka hadlay in aan banaan baxa la qaban karin ayaa waxaa ka mid ahaa Siyaasiga Salaad Cali Jeelle, Cali Maxamed Geeddi iyo Culumaa’udiin ay ka mid yihiin Sheekh Cali Wajiis iyo Sheekh Nuur Baaruud,waxaana dad badan isla dhex marayeen inay dowladda ka hadal siisay, maadaama ay si weyn u taageeraan.

Taliska Booliska, Culimada iyo siyaasiyiinta ayaa shacabka uga digay banaan baxyada, isla markaana loo baahan yahay in ogolaansho ama fasax looga heysto dowladda.

Hase ahaatee Dastuurka KMG ayaa qaba in xoriyadda hadalka, gaar ahaan in qof kasta uu xaq u leeyahay inuu abaabulo kana qeyb galo kulamo ama banaan bax oo si xasilloon cabasho loogu muujinayo.

Qodobka 20aad ee dastuurka ayaa dhigaya banaan baxyo, kulamada iyo cabashada ay dadka ku muujin karaan dareenkooda.

Halkan hoose ka akhriso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here