Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jaray Bullaacaddii Lam. 4

0
289

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa saakay xarigga ka jaray Bullaacadda Lambar 4 oo ka tirsan Degmada Waaberi oo dib u dhis lagu sameeyay.

Bullaacadaasi oo ay horey looga hirgaliyay Deegaankaasi, si ay Biyaha ugu shubmaan ayaa ka mid ahaa wayaabihii la burburay Dowladdii Siyaad Barre sanadkii 1991-kii, balse hadda ayuu Gobolka Banaadir dib u habeyn iyo dayactir ku sameeyay, waxaana saakay Xarigga ka jaray Guddoomiyaha Gobolka Banaddir ahna Duqa Muqdisho.

Gobolka Banaadir ayaa waayahaanba laga waday Barnaamijyo lagu horumarinayo bilicda iyo nadaafadda Magaalo madaxda Dalka ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here