Dhinacyada isku haya K/Sudan oo Adis Ababa ku leh kulan lagu badbaadinaayo heshiisyada nabadeed ee sii liicaya

0
1888

Qeybaha ku dagaalamaya dalka Koonfurta Sudan ayaa magaalada Adis Ababa ku yeelanaya manta oo khamiis ah  wadahadal si loo badbaadiyo heshiiska nabaded,ka hor inta aan loo gudbin dowlad wadaag ah.

Waa isku daygii ugu dambeeyay ee la doonayo in lagu dhameeyo dagaalada iyo khilaafka siyaasadeed ee mudada lixda sano ah ka socda dalka Koonfurta Sudan.

Illaa hadda dhinacyada isku haya dalkaasi waxa ay ku fashilmeen in ay xal ka gaaraan dhowt qodob ,ka hor inta aan loo gudbin awood qeybsiga dowladda oo la filayo in uu noqdo 12-ka bishaan Meey.

Madaxda Urur |Goboleedka Igad ayaa ku baaqay in kulan 2-cisho ah loo qabto dhinacyada isku haya Konfurta Sudan si loo helo khariidad nabadeed oo lagu dhiso dowlad wadaag.

Madaxweyne Salva Kiir, hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar iyo kooxo kale ayaa marar badan ku fashilmay in ay gaaraan xal kama dambeys ah oo lagu soo afjaro dagalada sokeeye ee mudada ka socda dalka Koonfurta Sudan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here