Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa qeybta Qaraxyada oo isku dhiibay ciidanka dowladda

0
2608

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo u qaabilsanaa qeybta Qaraxyada uu isku dhiibay ciidanka dowladda ee ku sugan magaalada Garbahaarey.

Sarkaalkan ayaa lagu magacaabaa Yuusuf Axmed Caddow, waxaana uu isku dhiibay Taliska Ciidanka Xoogga dalka ee xaruntooda tahay Garbahaarey.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Sarkaalkan uu la soo xiriiray Ciidamada dowladda, ka hor inta aanu isa soo dhiibin, waxaana uu saakay soo gaaray Garbahaarey.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo iska dhiibay Gobolka Gedo, waxaana u dambeeyay Sarkaal lagu magacaabo Aadan Coobe oo dhowaan diyaarad looga soo qaaday Baardheere, lana keenay magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here