Maraykanka oo diley Sarkaal ka tirsan Alshaab oo hore u diley askari Maraykan ah

0
2071

Maraykanka ayaa sheegay inay duqeyn ku dileen sarkaal ka tirsan Alshabaab oo hore u diley askari ka tirsanaa ciidamada Maraykanka oo lagu diley deegaanka Bar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Duqeyn ay ciidamada Maraykanka geysteen bishii April 19keedii ayaa labo ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab lagu diley waxana uu mid kamid ah ahaa Cabdulaahi Jibiyow oo hogaamiye ka ahaa koox hoobiyaal ku weerartay xarun ay ciidamada Maraykanka ku lahaayeen Bar Sanguuni halkaas oo uu ku dhintey Saddex Alifle Alexander Conrad afar kalana ay ku dhaawacmeen.

Wargeyska arrimaha ciidamada ka faalooda ee Milatary Times ayaa ka soo xigtey Col Chris karns oo ah afhayeenka AFRICOM in Conrad uu kamid ahaa ciidamada gaarka ah ee North Caroline balse markii la dilayay uu qeyb ka ahaa howlgal la magac baxay Operation Octave Shield, kaasoo lagu baacsado maleeshiyaadka Alshabaab.

Ciidamo Maraykan ah ayaa gacan ka siiya dowlada Soomaaliya dagaalka ay kula jirto ururka Alshabaab waxaana dowlada Maraykanka ay kordhisay sanadkan duqeynta ay ka geysato dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here