Nin Soomaali ah labo jeer wasiirnimo diiday balse wasiirro soo saaray

0
379

Caadiyan xilalka sare ee dawladda ayaa loo kala ordaa, dad badaan oo quuddaraynaya ayaana tabaabushe iyo ol’ole adag u ugala sidii ay xil sare u qaban lahaayeen, balse waxaan idiin haynaa nin labo jeer wasiirnimo diiday haddana ku qancay in uu xil hoose qabto.

Cabdirisaaq Cawil Muxumed oo caanku ah Cabdi-Cawil ayay soo martay labo fursadood oo uu wasiir uga noqon karay labo xukuumadood oo kala duwan oo Dawlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ah.

“Xiligii uu madaxweynaha ahaa Cabdullaahi Xasan wuu ii yeeray wuxuuna ii sheegay in uu ii magacaabayo wasiirnimo” balse waan ka cudurdaartay, markale ayay haddana fursad kale isoo martay intii ay xukuumaddan cusub xilka la wareegtay, iyadana waan ka cudur daarta,” ayuu yiri Cabdirisaaq.

“Aslanba masuuliyad iyo xilka ma jecli,” ayuu intaas ku sii daray.

Inkastoo Cabdirisaaq masuuliyadda iska diiday haddana marka noloshiisa dib loo milicsado wuxuu magac iyo maamuus ku yeeshay arrimo mutadawacnimo ah oo uu horay uga soo shaqeeyay, sida uu BBC u sheegay Baashe Maxamuud Axmed oo aqoon durugsan u leh ninkaasi.

Baashe Maxamuud Axmed

“Markii ay dawladdii Soomaaliya burburtay, dawladdii Itoobiyana ka dabo burburtay waxaa waxbarasho la’aan noqday oo waddooyinka iska taagtaagnaa dhallinyaradii magaalada Qabridahare aniga iyo dhallinyaro kale ayaana go’aansannay in aan iskuul furnanno oo dhallinyarada wax u dhigno” ayuu yiri Cabdirisaaq oo dib u milicsanaya billowgii sagaashameeyadii.

“Markaas maanan ahayn macallimiin la tababaray oo xirfadle yaal ah, waxaana maamule noo ahaa Xasan Muxumed Tayse” ayuu intaas ku sii daray.

Markii la aas-aasay maamulkii Dawlad Deegaanka Soomaalida waxaa Cabdirisaaaq iyo dhallinyaradii kale ee is xilqaamay lagu xareeyay kuuliyadda macalliniinta ee Harar, waxayna ku soo laabteen magaalada Qabridahar iyaga oo ah macallimiin rasmi ah oo mushaar qaata.

“Kumaannaan khasaarin oo maanta dhallinyaradii waddada taagnayd waxaa ka soo baxay kuwo aan ku faanno” ayuu yiri Cabdirisaaq.

Loodadkii ay wax soo bareen dhallinyaradii is xilqaamaay waxaa ka mid ah kuwo hadda xilal sare ka haya Dawlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya iyo kuwo siyaabo kale bulshada u anfacay.

“Dadka uu Cabdirisaaq wax soo baray waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Axmed Xasan (Cabdi Hurre) oo hadda ah wasiirka Gaadiidka iyo Ganacsiga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida, wasiir ku xigeenka Maaliyadda Khadar Maxamed Rasaas iyo Axmed Muxumed Cabdi oo bare ka ahaan jiray jaamacadda Jigjiga balse hadda aqoon kororsi u jira Yurub,” ayuu yiri Cabdiqaadir Cabdullaahi oo ku magac dheer Cabdiqaadir King.

Midig Axmed oo bare jaamacadeed soo noqday iyo Cabdiraxmaan oo hadda ah wasiirka ganacsiga ee Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya waxaa macallin u soo noqday Cabdirisaaq

“Macallin Cabdirisaaq muunad ayuu noo ahaa, macallinnimada ka sokowna waa nin diin iyo akhlaaq wanaagsan, waana nin dhaqanka iyo af Soomaaliga ku wanaagsan” ayuu yiri Baashe Maxamuud Axmed oo ka mid ah dhallinyarada uu macallinka u soo noqday ee waxbarashada heerka wanaagsan ka gaaray.

Baashe ayaa isna ka mid ah dhallinyarada bulshada waxtara iyaga oo barnaamijyo wax ku ool ah kala shaqeeya hay’adaha gargaarka.

Macallinkii mutadawacnimada ku billaabay siduu Injineer isugu baddalay?

Markii Cabdirisaaq ay u caddaatay in waxbarashadii magaalada Qabridahar ay cagaheeda ku istaagtay wuxuu dib u billaabay waxbarashada wuxuuna ilaa shahaada Masterta ku qaatay culuunta injineernimada.

Intaas ka dibna wuxuu samaystay shirkad Dawladda iyo shacabkaba kala talisa arrimaha dhismaha.

“Lacagta aan ka samaynayay shirkaddayda ayaa aad uga badnayd dhaqaale kaste oo xil dawladeed lagu helo, haddii aan xoolaha dadka la xadayn” ayuu yiri Cabdirisaaq.

Injineerkii wasiirnimada diiday siduu duq magaalo ku noqday?

Markii xukuumadda cusub ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ay timid waxaa Cabdirisaaq laga mid dhigay dad bulshada Qabridahar laga soo xulay si ay xukuumadda oogala taliyaan qofkii ku haboonaa in duqa magaalada laga dhigo.

“Baashe Maxamuud Axmed iyo Axmed Shahaado ayay guddigii u arkeen in ay ugu habboon yihiin duqa magaalada, balse markii aan jawaabta sii qaadnay een xukuumaddii u tagnay ayuu qof yiri Cabdirisaaq waa Injineer isagayna magaaladu u baahan tahay, mar qura ayaa la isugu soo jeedsaday sidaas ayaana la iiga dalbaday” ayuu yiri Cabdirisaaq oo hadda ah duqa magaalada Qabridahar.

BBC-da ayaa waydiisay sida uu duq magaalo nimo u ogolaaday isaga oo madaxweyne ka diiday in uu wasiir noqdo isla markaasna sheegay in uusan xil jeclayn?

“Wasiirnimadu waa xil guud waxa aad shaqsiyan u qaban kartana wuu iska yar yahay, maadaama oo aan injineer ahay la igana codsaday oo guddigii magaalada iyo tii dawladdaba ay isku raaceen waxaan u arkay in aan bulshada wax ku kordhin karo” ayuu yiri Cabdirisaaq.

“Wali sidii aan rabay wax nooguma qabsoomin balse qorsheyaashii aan magaalada u dajinay way wada dhaqaaqeen”

“Waxaa niyadda ii dhisa bulshadana aan uga mahadcelinayaa marka aan arko qof dhulkiisii dan guud ahaan loogu baahday, tusaale ahaan waddo ku aaday oo isaga oon hadal ka keenin aqbalay”. Ayuu intaas ku sii daray.

Injineer Cabdirisaaq wuxuu rajaynayaa in uusan ku sii raagin xilka, “balse waxaa ka go’an in uu bulshada wax u qabto inta uu awoodo,”

Markii aan macallinnimada ka tagay een injineernimada ku shaqaysanayay “ururka horumarinta waxbarashada Qoraxay ayaan wali la sii shaqaynayay, haddana haddii aan tan ka tago waxtarka bulshada waan sii wadi doonaa.” Ayuu hadalka ku soo gabagabeeyay Cabdirisaaq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here